Home Wararka Maanta Farmaajo Oo Kulan Xasaasi ah la Yeeshay Sadex kamid ah Madaxda Maamul-goboleedyada.
Wararka Maanta - January 8, 2021

Farmaajo Oo Kulan Xasaasi ah la Yeeshay Sadex kamid ah Madaxda Maamul-goboleedyada.

January 8, 2021 dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta kulan xasaasi ah Villa Soomaaliya kula qaatay Madaxda maamul goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle.

Sida aan wararka ku helnay kulankan oo ahaa mid albaabada u xirnaayeen ayaa looga hadlay muranka ka taagan doorashada Soomaaliya iyo sidii go’aan mideesan arinta doorashada uga qaadan lahaayeen Villa Soomaaliya iyo madaxda maamuladan taageersan.

Ilo ku dhaw dhaw Madaxtooyada Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in kulanka diirada lagu saaray sidii loo dhaqaajin lahaa hirgalinta doorashada lagu muransan yahay gaar ahaan doorashada Xildhibaanada Aqalka sare.

Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamulada uu la kulmay ayaa dood ka yeeshay sida ugu macquulsan ee doorashada loo qaban karo iyo sidii looga gaashaamaan lahaa in dalka uu galo khalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

Ma jiro wali wax war ah oo kulankan kasoo saareen Madaxtooyada Soomaaliya iyo madaxda maamulada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle, waxaana madaxdan u balameen in kulamo kale yeeshaan si go’aano iskula gaaraan.

Guddiga Doorashada lagu muransan yahay ee dowlada Federaalka iyo maamulada qaar magacaabeen ayaa jadwalo ay soo saareen guul dareesteen, walina ma muuqato xiliga ay dhici doonaan doorashada Xildhibaanasa Aqalka sare iyo Aqalka Hoose.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *