Home Health DR.Cabdiwali Calbato oo ka digay Warar Been Abuur ah oo la faafiyay cudurka COVID-19 )
Health - Wararka Maanta - March 27, 2020

DR.Cabdiwali Calbato oo ka digay Warar Been Abuur ah oo la faafiyay cudurka COVID-19 )

Wararka aan xaqiida aheyn (myth about COVID-19 ) ee laga faafiyey Coronavirus: Malaga qadaata coronavirus meel leh cimilo kulul? Marka la eego cadeymo badan illaa iyo hadda, fayraska COVID-19 Waxa uu ku faafi karaa dhamaan meelaha leh cimolooyin kala duwan sida kulul iyo qabaw. Sida darteed adoon eegayn cimilada, Sida ugufiican ee aad iskaga ilaalin karto COVID-19 waa adigoo had iyo jeer taxadara iska ilaaliya meelaha dadku badan yihiin marwalbana ku dadaala nadaafada gacmahaga marka sidan sameyso waxaad tirtiraysaa fayrasyada gacmahaaga ku taabatay iskana ilaali taabashada indhahaaga, afkaaga iyo sankaaga. Allahna talo saaro.

Waxa kale oo Dr.cabdiwali Calbato ka hadlay Fa’iidooyinka Fitamiin D hoos u dhigga caabuqa ee neef-mareenka iyo ka hortagga Koronaviruska waxyeelada sambabbada.”

Waxaan fariin garsiinaya dhamaan Soomaalida meel walbo ay ku nool yihiin, gaar ahaan kuwooda ku nool wadamada qaboow Mareekanka, Kanada, Europe iyo meelaha kale oo qoraxda ku yar tahay in ay qataan fitamiin D, waayo Saynisyahano ka socda Jaamacadda Turino ee Dalka Talyaaniga ayaa ku talinaayo in la qaato fiitamiin D si loola dagaallamo cudurka faafa ee coronavirus.

Xogta ugu horreysa ee la soo aruuriyay maalmahan waxay muujineysaa in bukaannada Koronaviruska ee isbitaalada ku jira ay qabaan fiditaan aad u sarreeya oo ah
hypovitaminosis D.

Fitamiin D marka uu jirka ku yar yahay waxaa looga hortagaa iyada oo qoraxda lays ku dhigo saacadooyin ama inta ugu badan ee suurta galka ah, iyadoo la cuno cuntooyinka hodanka ku ah fitamiin D-ga.
Dukumintiga ay qorayaashu soo saareen waxay u soo jeedinayaan dhakhaatiirta, iyaga oo talaabooyinka caanka ah ee looga hortago Cudurka Koronaviruska in fitamiin D lagula taliyo in ay qataan bulshada gaar ahaan, kuwa cudurka qaba, eheladooda, shaqaalaha caafimaadka, dadka da’da ah ee liita, martida guryaha daryeelka, iyo dhammaan kuwa sababa kala duwan aan qoraxda ka faa’iidaaysan.

Dr.cabdiwali calbato

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *