Home Wararka Maanta xubnihii ugu muhiimsanaa ee Madaxtooyada Puntland! oo Iscasilay
Wararka Maanta - May 5, 2020

xubnihii ugu muhiimsanaa ee Madaxtooyada Puntland! oo Iscasilay

 Labo kamid ah xubnihii ugu muhiimsanaa ee uu magacaabo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shaqada iskaga tagay labo bilood gudahood, waxayna kala yihiin Agaasimihii guud ee Madaxtooyada Maxamed Cabdiladiif iyo Taliyihii guud ee ciidanka Madaxtooyada G/sare Barkhad Cabdullaahi oo maanta shaaciyey Is casiladiisa.

Si weyn ayaa laysku weydiinayaa sababaha iscasilaadan keenay, waxaana Warsidaha Puntlanddaily

ayaa ogaaday in sababaha is casilaada labada masuul oo ahaa kuwa ugu sareeya ee Aqalka Madaxtooyada ay taahy 3 arrimood oo ka jira gudaha Madaxtooyada.

Faragalinta ayaa korortay mana jirto hanaan shaqo oo toos ah, waxaana amarada xubnaha muhiimka ee magacaaban ka sareeya amarada ka imaanaya shaqsiyaad aan marnaba ka mid aheyn shaqaalaha Madaxtooyada iyo dawladdaba, kuwaas oo isku haysta in ay dawladdaba leeyihiin waqtigan.

In aysanba jirin qorshe ay leedahay Madaxtooyada iyo guud ahaan Xukuumadda oo qof kasta oo ku qanacsan mushaar qaadashada uu joogi karro, balse aysan jirin hanaan siyaasadeed iyo wax laysku og yahay oo ah hanaan shaqo.

In xeydaabka qabaliga ah uu ka xoog badanayo go`aamada dawliga ah, kaas oo saameyn adag ku reebaya marxaladda Madaxtooyada Puntland, talaabadan ayaan ku adkaan doonto suurinteeda Madaxda dambe ee Puntland.

Sadexda qodob, ka sokow xog kale ayaa sheegaya in uu Madaxweyne Deni qorsheynayo in uu isku xeero xubno uu aaminsan yahay in aysan waxba ka diidi Karin, sidaas oo kalena dood ka keeni Karin fulinta go`aamada qaarkood, waxaana Madaxtooyada laga sifeynayaa sannad iyo bilo ka dib cid kasta oo leh damiir ay ku diidi karto wax kasta oo an sax aheyn.

Madaxweyne Deni, ayaa noqonaya Madaxweynihii kowaad ee sannad iyo bilo gudahood ay iska casilaan Agaasimihii Guud ee Madaxtooyada iyo Taliyihii Ciidanka Madaxtooyaduba, inta aan loo gudbin golihiisa Xukuumadda iyo shaqaalaha kale ee dawladda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *