Home Wararka Maanta Xubnaha labada Aqal Ee Baarlamanka Cusub Oo Beri kulan Xasaasi ah Yeelanaya
Wararka Maanta - April 17, 2022

Xubnaha labada Aqal Ee Baarlamanka Cusub Oo Beri kulan Xasaasi ah Yeelanaya

April 17, 2022  Maalinta barri ah Waxaa magaalada Muqdisho kulan Wadajir ah ku yeelanaya xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa ka dhacaya xarunta golaha shacabka Soomaaliya oo ku taalla xarunta Madaxtooyada Villa Somalia

Ajendaha kulanka looga hadlay ayaa ah labo qodob oo kala ah, Warbixin kooban oo laga dhegeysanayo guddiga qaban-qaabada doorashada gudoonka labada aqal iyo baahinta jadwalka.

Sidoo kale, waxaa kulanka beri looga hadlayaa Ansaxinta wax ka badelka Habraaca ku-meel-gaark ah ee u gaarka ah Doorashooyinka Guddoonka labada Gole iyo Madaxweynaha sida lagu sheegay qoraal caawa ka soo baxay xafiiska warfaafinta aqalka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *