Home Wararka Maanta XOG+AKHRISO: Dani oo Isbedel ku sameeyey ciidamada Booliska Puntland, Yaase xilalkoodii waayay, Yaase la magacaabay.
Wararka Maanta - April 27, 2020

XOG+AKHRISO: Dani oo Isbedel ku sameeyey ciidamada Booliska Puntland, Yaase xilalkoodii waayay, Yaase la magacaabay.

Madaxweynaha Puntland Deni ayaa markii koowaad isbedel kusameeyey taliska ugu sareeya ciidamada Booliska ee Puntland, waxaana xilkaga laga qaaday Jeneraal Muxuyadiin Axmed Muuse (Gacameey) oo mudo hayay xilkan, waxaana loo magacaabay sarkaal kale oo ay isku Xaafad kasoo jeedaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa shaqada ka ceyriyey Taliyaha ciidamada Booliska oo uusan wanaagsaneyn xariirka mudooyinkii u dambeeyey, isagoo ku bedelay Taliyihii hore ee ciidamada PIA-da Puntland Cabdi Xuseen Xassan (CabdiYare) oo mudooyinki u dambeeyey aan xil heynin.

Cabdi Yare ayaa mudo dheer ahaa taliyaha Sirdoonkii gaarka ahaa ee Madaxweynihii hore Cabdiraxmaan Faroole, waxaana xilka ka qaaday Cabdiweli Gaas ka dib markii lagu eedeeyey isaga iyo Muxuyadiin in ay ka wada shaqeynayaan howlo ka dhan ah dawladnimada.

Mudadii u hayay xilka Taliyaha Sirdoonka Puntland ayay dhaceen dilalkii ugu badnaa ee loo geystay Waxgaradka Puntland, waxaana magacaabidiisa xiligan ay kusoo beegmaysaa waqtigan oo ay kooxaha Argagixiso dil ka geysteen gudaha Garoowe Qarax ka dhacay.

Dadka dhaliilaa waxay ku sheegeen nin aaminsan qabyaaladda, sidaas oo kalena si aan sharci aheyn kusoo galay ka qeyb noqoshada ciidamada, halka dadka taageersana ay ku sifeeyeen nin leh hal abuur si fudud wax uga bedeli kara meelaha uu ka shaqo galay.

Sidaas oo kale mudadii uu joogay Hay’adda Sirdoonka ee Puntland, ayuu qeyb ka aha arrimo la xariira la dagaalanka Argagixisada, balse caqabado ayaa hareeyey.

Muxuyadiin Gacamey oo xilkan baneynaya iyo Cabdi Yare oo la magacaabay ayaa isku mar gadood ciidan sameeyey sannadkii 2014-kii, xiligaas oo xilalka uu ka qaaday Madaxweynihii xiligaas Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Sidaas oo kale Madaxweynaha ayaa ka qaaday xilalkii Taliye kuxigeenadii Booliska ee kala ah, Sareeyo Guuto Bille Faarax Cali oo ahaa Taliye kuxigeenka koowaad iyo G/sare Axmed Maxamuud Cali (Jeenitaag) oo kuxigeenka 3aad, iyadoo xilka loo qaadayay Taliye kuxigeenkii labaad Afdalow.

Talaabada isbedelka ayaa muujinaysa xoogeysiga kooxda gaarka ah ee Iskaashatada Madaxweynaha, sidaas oo kale xubnaha xalay la magacaabay ayaa kala ahaa labada kooxood ee Madaxtooyada & Iskaashatada, iyadoo ay soo baxyaan xogo kala duwan oo sheegaya qaabka loo qeybiyey Agaasimayasha guud.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *