Home Wararka Maanta XOG DEG DEG AH: Xubno katirsan Madaxtooyada Puntland Oo isku dayay in ay Musuqmaasuqaan Sheybaarka Xanuunka Corone-Virus lagu ogaan lahaa & Dood ka dhalatay.
Wararka Maanta - April 16, 2020

XOG DEG DEG AH: Xubno katirsan Madaxtooyada Puntland Oo isku dayay in ay Musuqmaasuqaan Sheybaarka Xanuunka Corone-Virus lagu ogaan lahaa & Dood ka dhalatay.

GAROOWE(P-Daily) – Koox uu hor kacayo Abshir Cali Qood oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland ayaa maalmihii u dambeeyey Is hor-istaag ku sameeyey Qalab caafimaad oo ay Hay’adda WHO soo gaday, dhaqaalahana ay bixisay Hay’adda UNFPA, Kaas oo ah Mashiinka baaritaanada Xanuunka #COVID19 oo baahi weyn loo qabay.

Ujeedada Kooxda Madaxtooyadu dooda uga keentay Qalabkan oo ay ahayd in ay la wareegto 4 maalmood kahor ayaa ahaa in ay doonaysay iyada in lasoo mariyo Lacagta lagu soo gadayay, laakiin taasi waxaa diiday Deeq-bixiyayaasha oo mariyey Hay’adda WHO, taasna waxay caro ku beertay Kooxda Madaxtooyada iyo Abshir Cali Qood oo ah Agaasimaha Mashaariicda Madaxtooyada Puntland

Mashiinkan cusub oo aan aheyn mid dhameystiran, ahna (Screening Tool) oo la shaqaynaya Qalab yaala shaybaarka DNA-da ee loo yaqaan Forensic Lab-ka Puntland ayaa lafilayaa in la wareejiyo 24 sac ee nagu soo aadan.

Agaasime waaxeed Abshi Cali Qood iyo Kooxdiisa ayaa dood ka keenay qalabkan, isagoo garab ka haysta Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Dani Abshir Cali Qood oo ah
Agasimaha Waaxda Mashaariida Madaxtooyada oo ahaa masuulka lala xariiriyey ayaa dooda ugu xooga badan ka keenay Qalabkan, oo uu doonayay in isaga & Agaasimaha Guud Madaxtooyada ay yeeshaan doorka soo iibintiisa.
WHO ayaa si rasmi ah fariin ugu dirtay UNFPA oo ay u sheegtay in Puntland aysan diyaar u aheyn la wareegida qalabkan, waxaana taasi ay noqotay in fariin la gaarsiiyo Madaxwaynaha Puntland.siciid dani

Madaxwaynah oo kiiskan soo dhex-galay ayaa galabtay ku amray wasaaradda Caafimaadka in ay deg deg ula wareegaan qalabkan ka hor inta aan la gaarin Sabtida, si subaxnimadaas loo bilabo baaritaanada dadka looga shaki qabo xanuunkan.

Wasaaraddu, waxay dood ka keentay in magaca WHO laga xuso munaasabada la wareegida, taas oo iyana noqotay caqabad kale, lakiin WHO wey diiday sida ay wararku sheegayaan in aan magaceeda la xusin, waxayna sidaas markii dambe ku aqbalay dhanka Wasaaradda oo culeys uga yimi Madaxtooyada Puntland.

Puntland, waqtigan bahi weyn ayaa loo qabaa qalabka baaritaanka Cudurka #COVID19 lagu hubinayo, waxaana Is hor istaaga cusub uu muujinayaa in ay xubnahan doonayeen in ay dhaqaale ka dhex-sameeyaan soo iibinta Sheybaarkan oo ay ku fushadaan danahooda gaarka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *