Home Wararka Maanta XOG: Dani oo ka Baaqday Safar uu ku tagi lahaa Magaalada Gaalkacyo
Wararka Maanta - April 12, 2020

XOG: Dani oo ka Baaqday Safar uu ku tagi lahaa Magaalada Gaalkacyo

Waxgaradka & Odayaasha Reer Gaalkacyo Ayaa si cad uga horyimid Safar la sheegayn in uu Magaalada Gaalkayo ku Imaan lahaa Madaxwaynaha puntland Siciid Cabdulaaahi Dani. Warsidaha Puntlanddaily wuxuu xaqiijiyey jiritaanka warka sheegaya in odayasha iyo waxgaradka gobalka Mudug in ay si cad u diideen imaatinka Madaxwayne Dani waxay sheegeen

in aysan la kulmi doonin Dani hadii uu yimaado Gaalkacyo waxa ku sheegeen sababta in Madaxwaynaha puntland siciid cabdulaahi Dani uu uga baxay Balaqaad ku saabsan Aminiga iyo Difaaca magaalada Waxaa magaalada Gaalkacyo Maalinkasta lagu dilaa Haldoorka shacabka Dawladuna Waxba kama Qabato.waxaa magaalada lagu dilay labo maalin ka hor talyihii kastanka Garoonka Cabdulaahi Yusuf Faray. Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad markii labaad, ku soo laabtay Gaalkacyo ayaan wax Natiijo ag Ka gaarin khilaafka Dani iyo Reer Gaalkacyo kaas oo maalmihii u dambeeyey kusugnaa gudaha magaalada Gaalkacyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *