Home Wararka Maanta Xildhibaanada oo Go’aan lama filaan ah ka gaaray kalsooni siinta R/wasaaraha cusub
Wararka Maanta - September 23, 2020

Xildhibaanada oo Go’aan lama filaan ah ka gaaray kalsooni siinta R/wasaaraha cusub

September 23, 2020 10:35 am
Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Goordhow Cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Ra’iisul Wasaaraha Cusub Maxamed Xuseen Roobe ee dhawaan Madaxweyne Farmaajo magacaabay.Advertisement

Kulanka Golaha Shacabka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 215 Xildhibaan, waxaana Ra’iisul Wasaare Cod gacan taag ah kalsoonida ku siiyay 215 Xildhibaan oo ka tirsan Xildhibaanada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulan shir guddoominayay ayaa ku dhawaaqay natiijada u codeynta Ra’iisul Wasaaraha, isagoona shaaciyay in la ansixiyay Maxamed Xuseen Roobe.

Toos Golaha Shacabka BFS: Kalsooni siinta Raysul Wasaaraha Cusub

Публикувахте от Hajir show в Сряда, 23 септември 2020 г.

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee dalka Mudane Maxamed Roobe ayaa uga mahadceliyay Xildhibaanada Baarlamaanka sida kalsoonida leh ee ay codka u siiyeen, isagoona la sugayo inuu soo magacaabo Golihiisa Wasiirada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *