Home Wararka Maanta Xildhibaan doonayey inuu ka gaaro aaska hooyadii oo isagii geeriyooday
Wararka Maanta - March 6, 2021

Xildhibaan doonayey inuu ka gaaro aaska hooyadii oo isagii geeriyooday

Xildhibaan Cali Axmed Salaad (Cali Dhahar) oo ka tirsan Baarlamanka Puntland ayaa goor u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray shil gaari oo uu ku galay degaan ka tirsan Gobolka Sanaag.

Cali Dhahar ayaa Hooyadiis maanta geeriyootey, waxaana uu doonaayey in uu ka gaaro aaskeeda, laakiin shilkan waxa uu sababey in isaga iyo Hooyadiis isla maalin geeriyoodaan, tan oo ah geeri aad u naxdin badan.

Xildhibaanka ayaa ku sii jeeday degmada Badhan oo ay ku geeriyootay hooyadii marxuumad Raxma Ciise.

Xidhibaanka ayaa shilkaas ku galay degaanka Midigale oo qiyaastii 40KM u jira degmada Badhan ee Gobolka Sanaag sida laga soo xigtay Qoyskiisa iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland.XAYEYSIIN

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa ka tacsiyeeyey Geerida Marxuum Xildhibaan Cali Axmed Dhahar iyo Hooyadiis Marxuumad Raxmo Ciise Rabaadin.

Xildhibaan Cali Axmed Salaad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *