Home Wararka Maanta Xildhibaan Cabdi Cabdala Siciid Jiniboqor. oo Geeriyooday!!!
Wararka Maanta - May 27, 2020

Xildhibaan Cabdi Cabdala Siciid Jiniboqor. oo Geeriyooday!!!

Allaha u naxariistee Cabdi Cabdulle Saciid {Jini-Boqor} waxa uu ahaa Siyaasiga kaliya oo ay Saxafiyiinta Soomaaliyeed ugu jeclaayeen madaxda wadankeena, hubaashii waxa uu ahaa Saaxiibka ugu dhaw ee Bahda warbaahinta, dhaqan waxa uu u lahaa inuu mar walba Wareysi siiyo wariyihii war uga baahdo!!!

Lama soo koobi karo inta Wareysi ee aan ka qaadey intii uu ka tirsanaa Xildhibaannada Soomaaliya, Ruug caddaa ay hadaladiisu Cad-cad yihiin oo Aftahan ah ayuu ahaa, Su’aal walba oo lagu adkeeyo si Cajiib leh ayuu uga baxsan jirey!

Maanta ayuu Marxuumku Ku geeriyooday Degmada Qardho, xaqiiqdii nin Culus oo wax badan og ayaa Somalia ka baxay, fadlan aan u duceyno wlaalkeena Cabdi Cabdulle Saciid {Jini Boqor}!!!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *