Home Wararka Maanta Xasan Sheekh Oo Caawa Shir la Yeeshay Isimada Puntland.
Wararka Maanta - August 29, 2022

Xasan Sheekh Oo Caawa Shir la Yeeshay Isimada Puntland.

August 29, 2022  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Dowlad-goboleedka Puntland ee magaalada Garoowe waxa uu kulan latashi kula qaatay qaar ka mid ah Isimada iyo hoggaanka dhaqanka Puntland.

Madaxweynaha oo kulanka uu ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa Isimada iyo waxgaradka Puntland waxa uu ka dhageystay talada iyo doorkooda horumarineed ee ku aaddan adkaynta dowladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in isimadu ay ka mid yihiin hogaanka bulshada, loona baahan yahay iney ka qeyb qaataan xoojinta iyo taageerida dowladnimada Soomaaliya, isagoo ku amaanay doorka ay had iyo jeer kaga jiraan arrimaha nabadeynta iyo dib u heshiisiinta.

Dhinaca kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan Shiikh iyo wafdigiisa ay maalinta beri oo Isniin ah ay dib ugu laaban doonaan magaalada Muqdisho ka dib wadahadal aan miro dhalin oo maalmihii la soo dhaafay uu la lahaa madaxda Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *