Home Wararka Maanta Xaalada magaalada Mandhera oo kacsan kadib markii ciidamada Jubbaland gudaha u galeen
Wararka Maanta - March 7, 2020

Xaalada magaalada Mandhera oo kacsan kadib markii ciidamada Jubbaland gudaha u galeen

Khamiis,Maarso, 05, 2020 (HOL)- Xiisada ka taagan xuduuda Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta oo khamiis ah kacsan kadib markii ciidamada Jubaland ay gudaha u soo galeen xuduuda Kenya ay wadaagaan Soomaaliya.

Ciidamada Jubuland ayaa la arkayay iyagoo si xor ah ugu socdaay qeybo ka mid ah magaalada xuduuda Kenya ee Mandheera maalin un kadib markii madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu soo saaray xabbad joojin

Guddoomiyaha gobolka Mandhera Cali Robow ayaa qatar amni oo weyn ku tilmaamay arrintaan, wuxuuna ugu baaqay dowladda Kenya inay xaaladaan soo fara galiso ka hor inta uusan imaanin khasaaro nafeed.

Gudoomiyaha ayaa sheegay dagaalka udhaxeeya ciidamada Jubbaland iyo FGS uu kasii daray uuna ku qasbay qaar kamid ah dadka deegaanka inay ka cararaan guryahooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *