Home Wararka Maanta Wasiir Xubdubey-ga Amniga: “RW Rooble waa Xil-Gaarsiiye Ee Xil-Ka Qaade ma Ahan”
Wararka Maanta - September 8, 2021

Wasiir Xubdubey-ga Amniga: “RW Rooble waa Xil-Gaarsiiye Ee Xil-Ka Qaade ma Ahan”


September 8, 2021  Wasiirka amniga xukuumada Somalia ayaa ka soo horjeestay talaabada uu caawa xilka laga qaaday raisul wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku sheegay in Rooble uusan awood u laheyn inuu xilka ka qaado.

“ Maxamad Xuseen Rooble waa Xil-Gaarsiiye ee Xil-Ka qaade ma ahan” ayuu yiri Wasiir Xundubey.

RW Rooble ayaa wasiirka cusub ee amniga u Magacaabay Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur oo ka tirsan siyaasiyiinta mucaaradka.

Farmaajo oo ka carooday talaabada lagu bedelay wasiirka amniga ayaa ka soo horjeestay talaabadan, isagoo ku tilmaamay mid sharci daro ah.

Xaalada dalka ayaa mareysa halkii ugu xumeyd Abid, iyadoo qalaalasaha ka dhex aloosan masuuliyiinta sare ee dalka uu cirka isku sii shareerayo, mana jirto illaa hadda ifafaale muujinaya xal dhow oo khilaafkan lagu daweynayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *