Home Wararka Maanta Wasiir katirsan Puntland oo gaari la qalibmey iyo dhaawac halis ah oo ka dhashay.
Wararka Maanta - September 9, 2021

Wasiir katirsan Puntland oo gaari la qalibmey iyo dhaawac halis ah oo ka dhashay.

September 9, 2021 7:47 am
Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan shil gaari oo ka dhacay deegaan katirsan gobolka Nugaal oo katirsan Puntland, waxaana la helayaa faah faahinno dheraad ah oo la xiriira Shilkaasi.

Shilka ayaa yimid kadib markii uu qalibmay gaari uu la socday Wasiirka Caddaaladda ee dowladda Puntland Cawil Sheekh Xaamud, kaasi oo uu dhaawac aad u culus uu kasoo gaaray mid ka mid ah ilaalada Wasiirka, iyadoona uu caafimaad qabo wasiirku.

“Waxaa galabta gaari nagula gadoomay inta u dhaxaysa Budunbuto iyo Baarweyn waxaan allaah uga baryayaaa in askartii ila socotay oo mid xaaladiisu adagtahay ilaah caafimaad degdeg ah siiyo. Aniga iyo darawalkaygii waa ladanahy waxna ilaahay nama gaarsiin Alxamdulillaah” ayuu yiri wasiir Xaamud oo qoraal ku daabacay bartiisa Facebook.

Shilalka ugu badan ee ka dhaca deegaamada Puntland ayaa loo aaneeyaan bur-burka waddooyinka, iyo wadayaasha gaadiidka oo xawaare sare ku wada Gawaarida, waxaana inta badan ku waxyeelooba dadka shacabka ah ee isticmaala waddooyinka, iyadoo inta badan ee shilalku ay ka dhacaan, dhulka Miyiga ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *