Home Wararka Maanta War Deg Deg Qarax ka dhacay Garowe
Wararka Maanta - March 29, 2020

War Deg Deg Qarax ka dhacay Garowe

Qarax ayaa goor-dhaweyd ka dhacay afaafka hore ee saldhiga
bartmaha magaalada Garowe.

Goobjoogayaal ayaa Warbaahinta PUNTLANDDAILY u sheegay in
gaari Kuruukar ah oo marayey afaafka hore ee saldhiga bartamaha Garowe uu qarxay,
kadibna qiic iyo uuro ay cirka isku shareertay.

Qaraxa, kadib waxaay inta badan magaalada Garowe laga maqlay rasaas ay ridayeen ciidamada Booliska Puntland, iyadoo la xiray aagii qaraxu ka dhacay.

ILaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhacay qaraxaas oo inta badan jugtiisa laga maqlayey magaalada Gorawe ee caasimada Puntland, sidoo kale wali laga oga cidda lala eegtay qaraxaas.

Faaahfaahin dib kala soco.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *