Home Wararka Maanta Uhuru Kenyatta Oo Isku Shaandheyn Ku Bedelay Wasiirkii Gaashaandhiga
Wararka Maanta - September 30, 2021

Uhuru Kenyatta Oo Isku Shaandheyn Ku Bedelay Wasiirkii Gaashaandhiga

September 30, 2021 1:38.Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa isku shaandheyn kooban ku sameeyay golihiisa wasiirada isagoo ka bedelay wasiirkii gaashaandhigga Monica Juma.

Isku shaandheyntan ayaa wasiirka gaashaandhigga Kenya waxaa laga dhigey Eugene Wamalwa halka Monica Juma laga dhigey wasiirka Tamarta. Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga dowlada Kenya ayaa ah siyaasi hore xilal kala duwan oo ay ka mid tahay wasiirka caddaalada ka soo qabtay dalka Kenya.

Lama sheegin sababta keentay isku shaandheyntan uu sameeyay maanta Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

uhuru kenyatta oo isku shaandheyn ku bedelay wasiirkii gaashaandhiga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *