Home Wararka Maanta Uganda oo xusaysa 60 guurada kasoo wareegtay markii ay xorriyada qaadatay
Wararka Maanta - October 9, 2022

Uganda oo xusaysa 60 guurada kasoo wareegtay markii ay xorriyada qaadatay

Dowlada Uganda ayaa maanta maamuusaysa 60-sano guurada kasoo wareegtay markii dalkaas uu madaxbannaani ka qaatay Gumeystihii Ingiriiska ee isticmaarsaday waddamo badan oo dhaca Qaaradda Afrika.

Xukuumadda dalkaas ayaa sanad weliba maamuusta marka la gaaro 9ka October xorriyaddii ay ka qaadatay Waddanka Ingiriiska oo kamid ah Dalalka reer Yurub ee kala qaybsaday waddamada Afrika.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Magaalada Kampala ayaa ka qaybgalaya munaasabadda Uganda ay ugu dabbaaldagayso madaxbannaanida ay ka qaadatay Ingiriiska.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Musevani ayaa martiqaaday madax uu kamid yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa la filayaa in ay kulamo wada yeeshaan labada Madaxweyne.

Labada Madaxweyne ee Soomaaliya & Uganda ayaa kawada hadlaya Xaaladda, Xiriirka labada dhinac, Doorka Ciidanka dalkaas ka socda ee ku howlgalla Magaca ATMIS ay ka qaadan karaan howlgallada socda & qodobo kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *