Home Wararka Maanta Turkiga Oo la Wareegay Markab Ruush ah Oo Siday Qamadi Laga soo Xaday Ukraine
Wararka Maanta - July 3, 2022

Turkiga Oo la Wareegay Markab Ruush ah Oo Siday Qamadi Laga soo Xaday Ukraine

July 3, 2022 Safiirka xukuumadda Kyiv ee Ankara ayaa sheegay in Turkiga uu la wareegay markab Ruushka laga leeyahay oo siday qamadi laga soo xaday Ukraine

Dacwad-oogaha Guud ee Ukraine ayaa Ankara ka codsaday inay qabato markabkan oo lagu magacaabo Zhebek Zhuly, kaas oo ku soo xirtay dekadda Turkiga.

Aqalka Kremlin ee looga taliyo Ruushka ayaa sheegay in dhoofinta qamadiga aanan loo aqoonsan karin xatooyo.

Sidoo kale Ukraine ayaa sheegtay in baaritaanno socda ay ku caddeyn doontp in qamadiga laga soo xaday dalkeeda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *