Home Wararka Maanta Taliyihii NISA ee garoonka Aadan Cadde oo xilka laga qaaday
Wararka Maanta - May 19, 2022

Taliyihii NISA ee garoonka Aadan Cadde oo xilka laga qaaday

Taliska NISA ayaa xilka ka qaaday taliyihii NISA ee garoonka Aadan Cadde oo lagu magacaabo Khadar.

Ilo muhiim ah ayaa xaqiijiyay in Khadar laga joojiyay shaqada loona magacaabay gabar ku Xigeen u ahayd in ay sii waddo shaqada.

Khadar, ayaa ahaa sarkaal awood badan ka haystay Madaxa NISA Waxaana hore loola xariiriyay in uu ahaa sarkaal inta badan ku lugta lahaa joojinta iyo imaanahiyaha Siyaasiin laga joojiyay safaro.

Ciidanka NISA ee garoonka ayaa si gaar ah Waxa ay gacanta ugu hayeen malafka gobolka Gedo taasi oo ay si rasmi ah ay iyaga ay u hoos imaan jirtay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *