Home Wararka Maanta Taliye ka Tirsan Ciidanka Somaliland Oo Dagaal ka Dhacay Sool Lagu Dilay
Wararka Maanta - September 27, 2021

Taliye ka Tirsan Ciidanka Somaliland Oo Dagaal ka Dhacay Sool Lagu Dilay


September 27, 2021 2:46 pm naga soo gaaraya degmada Xudun ee Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal ka dhacay halkaasi lagu dilay Taliyihii Ciidamada Booliiska Somaliland ee degmadaas.

Taliyaha ayaa waxaa uu ku dhintay dagaal Ciidamada Somaliland iyo rag hubrysan oo la sheegay inay ka Ganacsanayeen waxyaabaha maanka dooriya ku dhex-maray degmada Xudun.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in dagaalka ay sidoo kale ku dhaawacmeen askar kale oo ka tirsan Ciidamada Somaliland, kuwaas oo la geeyay Isbitaalka degmada Xudun.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Xudun ayaa waxaa ay sheegauaan in Ciidamada ay gacanta ku dhigeen qaar kamid ah dableeydii hubeysneyd halka kuwo kale ay baxsadeen

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *