Home Wararka Maanta taliska Ciidanka Asluubta Puntland oo isbadal lagu sameeyay
Wararka Maanta - August 31, 2022

taliska Ciidanka Asluubta Puntland oo isbadal lagu sameeyay

Madaxweynaha Dowladda Puntland Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 47 ee 31-da Agoosto 2022, kuna saabsan magacaabid Taliyaha, Taliye Xigeenka 1-aad , Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Asluubta.puntland

1. Waxaa S/Guuto Saxardiid Maxamed Axmed (Colow) loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland.

2. Waxaa S/Guuto Cabdullaahi Cismaan Libaan loo magacaabay Taliye Xigeenka 1-aad ee Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland.

3. Waxaa S/Guuto Cabdulqaadir Axmed-Khayr Muuse loo magacaabay Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland.

4. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *