Home breaking news Somali Oo Weerar Mindi loo Adeegsaday ku Dilay Xildhibaan UK U Dhashay
breaking news - Wararka Maanta - October 15, 2021

Somali Oo Weerar Mindi loo Adeegsaday ku Dilay Xildhibaan UK U Dhashay

October 15, 2021  Nin toorey ku hubeesan ayaa maanta weerar ku qaaday Xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka UK oo lagu magacaabo David Amess, xildhibaanka ayaana u geeriyooday dhaawac halis ah oo kasoo gaaray weerarka tooreyda loo adeegsaday.

Ciidamada dambi baarista UK ayaa wada howlgalo baaritaano ah ay ku ogaanayaan dilka Xildhibaankanka loo geestay iyo waxa uu salka ku hayo, waxaana Xildhibaankan lagu tooreeyay deegaanka uu kasoo jeedo.

Wargeyska Dailymail ayaa qoray in dilka loo geestay Xildhibaan David Amess lagu tuhmayo in uu ka dambeeyay 25-sano jir asal ahaana kasoo jeeda Soomaaliya kaas oo hada gacanta ugu jira ciidamada dambi baarista .

Xildhibaanka la dilay oo 69-jir ahaa ayaa xiliga la dilay ku sugnaa goob kaniisad ah isaga oo kulan la lahaa dadka degan deegaan doorashadiisa, waxaana gudaha kaniisada ugu soo galay tooreyna la dhacay ninka weerarka fuliyay.

Ciidamada amaanka UK ayaa xoojiyay amaanka siyaasiyiinta dalkaasi u dhashay kadib dilka loo geestay Xildhibaankan katirsanaa xisbiga talada UK haya ee Conservative-ka, waxaana dilka Xildhibaankan xaalad amaan ka abuuray gudaha UK.

Terror police probe whether British Muslim of Somali descent, 25, had extremist links after Tory MP Sir David Amess was stabbed at church constituency surgery amid screams from onlookers just weeks after he watched his daughter get married

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *