Home Wararka Maanta Shirkii Maanta Oo Natiijo La’aan Xidhmay Iyo Wadatashi Loo Dareeray
Wararka Maanta - April 4, 2021

Shirkii Maanta Oo Natiijo La’aan Xidhmay Iyo Wadatashi Loo Dareeray

April 4, 2021

Waxaa goordhow soo gabagaboobay Shirkii u dhexeeyay dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kadib markii saacado badan ay madaxda fadhiyeen Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Warar uu helay heemaal ayaa sheegaya in madaxda soomaalida ay maanta dood adag ka yeesheen arrimaha ku saabsan ka qayb-galka iyo Ajandaha Shirka guud ee doorashooyinka dalka, inkastoo aan wax horumar ah laga samayn dhammaan qodobadii laga dooday.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in Puntland iyo Jubaland ay ku doodeen in Midowga Murashixiinta laga qayb-geliyo Shirka guud ee Arrimaha doorashooyinka, oo ay si toos ah miiska u fariistaan, halka dowlad goboleedyada kalena ay soo jeediyeen in Midowga Murashixiinta khudbado uun keliya laga siiyo Shirka.

Madaxda soomaalida ayaa isku raacay in maalinta berrri ah ay dhinacyada la tashiyo soo sameeyaan, kadibna dib la isu’gu soo noqdo, si looga sii doodo Ajandaha iyo ka qayb-galka Shirka guud, waxaana madaxda ay balameen 6 bishan oo ku beegan Talaalada soo socoto

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *