Home Wararka Maanta Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines oo sheegtay in aysan joojindoonin duulimaadyada Shiinaha
Wararka Maanta - March 7, 2020

Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines oo sheegtay in aysan joojindoonin duulimaadyada Shiinaha

Khamiis,Maarso, 05, 2020 (HOL)- Madaxa Shirkadda Diyaaradda Itoobiya, ET Tewolde Gebremariam ayaa sheega joojinta duullimaadyada Shiinaha in aysan ahayn xalka lagula dagaallamayo caabuqa coronavirus.

Isaga oo ka hadlayay shirka 5-aad ee Duulista Hawada oo lagu qabtay caasimada Itoobiya ee Addis Ababa, Gebremariam wuxuu sheegay in walaaca faafida coronavirus uusan hor istaagi doonin duullimaadyada tooska ah ee loo tago Shiinaha.

Sida ku xusan awaamiirta Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), joojinta duulimaadyadu jawaab ma’aha. “Go’doominta Shiinaha  ma aha wax caddaalad ah, ”ayuu yidhi Gebremariam.

Si kastaba ha noqotee, cudurka coronavirus ayaa saameyn iyo waalaac ku abuuray  shirkadaha duullimaadyada ugu waa weyn qaaradda Afrika ee leh in ka badan 120 duulimaad caalami ah.

“Waxaan la kulanay hoos udhac 20 boqolkiiba baahida duulimaadka. Waa naxdin weyn, ayuu yidhi,” Gebremariam.

Hadalka Mr. Gebremariam wuxuu yimid xilli Ururka Caalamiga ah ee Duulista Hawada (IATA) uu saadaaliyay in $ 29 bilyan oo dollar ay lumindoonaan shirkadaha duulimaadyada caalamiga ah, taasoo ah 4.7% hoos u dhac ballaaran dakhliha rakaabkiiba.

Arrintaan ayaa waxay ugu wacan tahay dillaaca coronavirus. Hay’ada IATA waxay sheegtay in diyaaradaha Afrikaanka ay arkidoonaan khasaaro dhan $ 40 milyan.

Bishii la soo dhaafay, Kenya Airways iyo RwandAir waxay hakiyeen dhammaan duulimaadyadii ay ku tagayaan kana imaan jireen Shiinaha illaa amar dambe

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *