Home Wararka Maanta Shirka Wadatashiga Dowlad-goboleedyada oo ka Furmay Dhuusamareeb
Wararka Maanta - July 11, 2020

Shirka Wadatashiga Dowlad-goboleedyada oo ka Furmay Dhuusamareeb

july 11, 2020
Waxaa goordhoweyd ka furmay magaalada Dhuusamareeb shir ay lee yihiin madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada dalka.

Madasha shirka ayaa waxaa fadhiya madaxweynayaasha Galmudug, Puntland, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Madaxweynaha Galmudug oo shirka furay ayaa sheegay in ujeedka ugu weyn uu yahay in isfaham ay madaxda dowlad-gobleedyadu ka gaaraan doorashada soo socota ee hay’adaha dowladda federaalka.

Waxa uu sheegay in ay ka tashanayaan in Soomaaliya laga qabto hanaan doorasho oo “xor iyo xalaal ah” iyo in aragti mideysan ay ka yeeshaan xaaladda siyaasadeed ee kala guurka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *