Home Wararka Maanta Shil khasaare geystay oo ka dhacay duleedka Garowe.
Wararka Maanta - April 11, 2022

Shil khasaare geystay oo ka dhacay duleedka Garowe.

April 11, 2022  Shil khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa ka dhacay nawaaxiga kantarool waqooyi ee magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Shilka ayaa ka dhashay kadib markii gaari Propox ah iyo gaari verossa ay isku dhaceen.

Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku dhintay shilka waxaana wararka qaar sheegayan in ay jiraan dad dhaawacyo fudud qaba.

Isbitaalka guud ee Garoowe ayaa xaqiijiyay in la soo gaarsiiyay meydka hal ruux oo keliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *