Home Wararka Maanta Sawirro: Dabaq ku yaalay Xamarweyne oo ku soo dumay qoysaskii deganaa iyo dad weli ku hoos jira
Wararka Maanta - July 20, 2020

Sawirro: Dabaq ku yaalay Xamarweyne oo ku soo dumay qoysaskii deganaa iyo dad weli ku hoos jira

Daawo

Faahfaahin muuqaal. Xamarweyne guryo Dabaqyo ah oo ah guryihii hore ayaa iminka dumay, waxaana jira dhimasho iyo dhaawac, waxaa socda gurmad lagu badbaadinayo dadka guryuhu ku dumeen oo weli ku hoos jira.Xaaladda ayaa ah mid cakiran, waxaana jira gurmad guud oo loo fidinayo.Xuquuqda Universal tv

Публикувахте от Cadaado Cabdirisaaq Alcadaala в Понеделник, 20 юли 2020 г.

July 20, 2020 

Sawirro: Dabaq ku yaalay Xamarweyne oo ku soo dumay qoysaskii deganaa iyo dad weli ku hoos jira

Muqdisho (puntlanddaily)-Guri Dabaq ahaa oo ku yaallay degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir, isla markaana ka koobnaa seddax biyaano ayaa soo dumay goor dhaw.

Sida dad goobjoogayaal ah ay u xaqiijiyeen Caasimada Online guriga dumay oo ahaa mid qadiimiya waxaa deganaa qoysas badan, waxaana lasoo badbaadiyey inta dadkii deganaa.

Weli waxaa dhismaha dumay ku hoos jira oo la la’yahay haweeney da’ah iyo laba caruur ah, waxaana socda dadaallo lagu soo badbaadinayo.

Gurigaas ayaa ku yiilay dhabarka dambe ee qeybta dahabka looga iibiyo suuqa Xamarweyne oo u dhaw masaajidka Marwaas.

Sidoo kale dad ku sugan goobta ayaa Caasimada Online u sheegay in dab ka dhashay koronto uu ka kacay guriga dumay, isla markaana lagu guuleystay in la demiyo.

Share this:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *