Home Wararka Maanta Sawiro laga soo qaaday Madaafiicdii Maanta ku dhacay isbitaalka Gurceel
Wararka Maanta - October 24, 2021

Sawiro laga soo qaaday Madaafiicdii Maanta ku dhacay isbitaalka Gurceel

October 24, 2021 Madaafiicdii maanta ku dhacday Isbitaalka Istarliin ee degmadda Guriceel ee Gobalka galgaduud ayaa sababtay burbur ku yimad qaar kamida dhismayaasha iyo Qalabka Isbitaalka.Sawiro ay heshay Warbaahinta somalifox.com  ayaa Tilmaamaya in Madaafiicdu burburisay Qalabkii isbitaalka gaar ahaan Qeybta  Raajada ee isbitaalka, taas oo sababtay in Shaqaalaha Isbitaalka ay naftooda kala baxsadaan.Xaalad jahawareer ah ayaa ka taagan gurceel waxaana wili socda Dagaalka oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda federalka ah iyo Galmudug oo dhinac ah iyo kuwa ahlusuna waljameeca mana jiro wax faah faahin ah oo Dowladda ka soobaxay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *