Home Wararka Maanta Sawiro:- Barakac Ka Socda Magaalada Guriceel ee Galmudug
Wararka Maanta - October 14, 2021

Sawiro:- Barakac Ka Socda Magaalada Guriceel ee Galmudug

October 15, 2021  Waxaa barakac xoogan uu Maanta ka socdaa degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo laga cabsi qabo inay ku dagaalamaan Ciidanka dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo Ahlusunna.

Dadka ayaa waxaa ay siweyn uga barakacayaan Xaafadaha kala ah Wadajir, Daryeel iyo Tawakal, waxaana Ciidamada Ahlusunna ay difaacyo ka sameysteen Gudaha iyo daafaha Magaalada.

Barakacaan Maanta ka billowday degmada Guriceel ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay ku dhawaadeen degmada Guriceel, isla markaana ay fariisin ka sameysteen degaanka Ceeldheere.

Xaaladda degmada Guriceel ayaa Maanta ka duwan sidii hore, waxaana qaar kamid ah Bulshada ay sheegayaan inay dareemayaan cabsi la xiriirta in dushooda lagu dagaalamo, isla markaana ay waxyeelo kasoo gaarto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *