Home Wararka Maanta Sacuudi Carabiya oo fasaxay in goobaha ganacsiga la furo xilliyada salaadda
Wararka Maanta - July 17, 2021

Sacuudi Carabiya oo fasaxay in goobaha ganacsiga la furo xilliyada salaadda

July 18, 2021 TOPSHOT – Saudi Crown Prince Mohammed bin Salman attends the Future Investment Initiative (FII) conference in the Saudi capital Riyadh on October 23, 2018. – Saudi Arabia is hosting the key investment summit overshadowed by the killing of critic Jamal Khashoggi that has prompted a wave of policymakers and corporate giants to withdraw. (Photo by FAYEZ NURELDINE / AFP) (Photo credit should read FAYEZ NURELDINE/AFP via Getty Images)

Sacuudi Carabiya ayaa si rasmi ah ugu oggolaatay ganacsatada dalkeeda in ay goobahooda ganacsi furnaan karaan xilliyada la tukado shanta salaadood.

Rugta Ganacsiga wadanka Sacudi Carabiya ayaa qoraal ka soo baxay waxaa lagu fasaxay markii ugu horeysay goobaha ganacsiga oo hore u xirnaan jirey xilliyada salaadaha.

“Dukaamada iyo ganacsiyada kale ayaa sii furnaan doona maalinta oo dhan iyo gaar ahaan xilliyada salaadaha,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Rugta Ganacsiga ee boqortooyada Sacudi Carabiya.

Mas’uuliyiinta Sacudi Carabiya ayaa ku tilmaamay go’aankan inuu qeyb ka yahay dagaalka ka dhanka ah faafista coronavirus waxaana looga gon leeyahay in laga fogaado saxmadda iyo safafka dhaadheer ee albaabada dukaamada xiran xilliyada salaadda.

Dhaxalsugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan ayaa tan iyo markii uu xilka qabtay sanadkii 2017-kii waxa uu sameeyay isbadallo kala duwan.

Waxaa uu fasaxay in haweenku ay wadi karaan gaadiidka oo markii hore mamnuuc ka ahaa dalka Sacudi Carabiya.

Tallaabooyinka kale ee dhinaca diinta quseysa ee uu qaaday dhaxalsugaha ayaa waxaa ka mid ah isagoo mamnuucay in aadaanka laga maqlo meel ka baxsan masaajidyada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *