Home Wararka Maanta RW Abiy Oo Booqday Deegaanada Ay Samaysay Abaarata Dhulka Somalida (Sawiro)
Wararka Maanta - January 26, 2022

RW Abiy Oo Booqday Deegaanada Ay Samaysay Abaarata Dhulka Somalida (Sawiro)

January 26, 2022 Mas’uuliyiinta u sareysa Xukuumadda federaalka Itoobiya iyo kuwa Degaanka Soomaalida ayaa booqday bulshada ay abaartu saamaysay ee ku nool duleedka Qabri-bayax.

Dr. Abiy Axmed Raisal Wasaaraha Itoobiya Madaxweyneha DDS Mudane Mustafe Muxumad Cumar iyo masuuliyiin sare oo ka socday Dawladda Dhexe ayaa gaaray maanta duleedka Degmada Qabri-bayax oo ay ku sugan yihiin boqollaal qoys oo ka soo barakacay abaaraha.

Masuuliyiinta ayaa u kuur-galay xaaladda abaarta ee ka jirta Deegaanka, gaar ahaan qaar kamid ah bulshada ay saamaysay abaartu waxayna ka dhagaysteen tabashooyinkooda.

Masuuliyiinta oo bulshada la hadlayay ayaa sheegay in qorshahoodu yahay badbaadinta nafaha dadka, ka-hortagga nafaqo darada iyo badbaadinta xoolaha, taasoo ay sheegeen in la wado qorshayaal dhab ah oo lagu hirgelinayo.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *