Home Wararka Maanta Ruushka iyo Ukraine oo ku kulmaya Turkiga
Wararka Maanta - March 10, 2022

Ruushka iyo Ukraine oo ku kulmaya Turkiga

March 10, 2022 Magaalada Antalya ee koonfurta dalka Turkiga ayaa waxaa maanta oo khamiis ah ka furamaya kulanka Wasiirada Arrimaha Dibada ee Ruushka iyo Ukraine, dadaalkan ugu danbeeyey oo uu wado dalka Turkiga ayaan rajo badan laga qabin.

Labada dhinac ayaa weli ku adkeysanaya shuruudaha ay ku xirayaan joojinta dagaalka oo ay ugu muhiimsan tahay Ruushka oo doonaya in Ukraine hubka laga dhigo isla markaana aysan kamid noqon Midowga Yurub iyo NATO.

Dowlada Ukraine ayaa wadahadalada ku xireysa in marka hore Ruushka dagaalka joojiyo ciidamadiisana kala baxo wadankooda.

Sadex goor oo hore oo ay kulmeen wafuuda ka kala socda labada dhinac ayaa natiijo la’aan dhamaaday, balse kulankan ayaa noqonaya kii ugu heer sareeyey oo ay labada dhinac yeeshaan tan iyo intuu dagaalka bilowday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *