Home Wararka Maanta Rooble iyo Mucaaradka oo Muqdisho ku kulmay
Wararka Maanta - February 25, 2021

Rooble iyo Mucaaradka oo Muqdisho ku kulmay

February 25, 2021 wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo golaha musharrixinta mucaaradka ayaa maanta ku kulamay hotel ku yaalla gudaha garoonka diyaaraha Muqdisho.

Kulankan ayaa labada dhinac ay diirada ku saareen xiisadda u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka ee ku aadan qabashada dibadbax ay ku baaqeen mucaaradku.

Shirkan ayaa imanaya ayada oo Midowga Musharrixiintu ay maanta soo saareen qoraal ay ku dalbanayaan in madaxweyne Farmaajo uu talada ku wareejiyo gole qaran oo KMG.

Waxaa sidoo kale socda dadaallo la doonayo in xal looga gaaro qalalaasaha siyaasadda ee Soomaaliya, ayada oo wakiillada Beesha caalamka ay maanta kulamo la leeyihiin dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan xubnaha midowga Musharrixiinta.

Wararkii u danbeeyey waxaa Muqdisho nooga soo dirtay Seynab Abuukar. EMBED SHARE

Rooble iyo Midowga Musharaxiinta oo kulmay

No media source currently available0:003:522:55 Direct link  Pop-out player

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *