Home Wararka Maanta Roobab lagu diirsaday oo ka da’ay Puntland
Wararka Maanta - September 29, 2022

Roobab lagu diirsaday oo ka da’ay Puntland

Roobabka deyrta ayaa ka da’ay degaanno badan oo ka tirsan Goboalada Puntland.

Roobabka ayaa xalay miray inta badan degaannada Gobolka Nugaal sida Dagmada buurtile oo ay ka jirtay abaar daran taas oo saameysay dad iyo duunyaba.

Gobolka Mudug qayba kamid ah oo ay ku jirto magaalada Gaalkacyo ayaa sidoo kale roobsaday. sida balibusle malaasle seemade Balanbal Qalanqal

Dhinaca kale dhul ballaaran oo ka tirsan Gobollada Sool iyo Cayn gaar ahaan dhanka Hawdka ayaa roobsaday.

Roobabka ayaa ku soo beegmay xilli abaar iyo biya la’aan ka jirtay Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *