Home Wararka Maanta R/wasare Rooble Ma nin Qaranbaa mise nin qabiil
Wararka Maanta - September 22, 2021

R/wasare Rooble Ma nin Qaranbaa mise nin qabiil


September 22, 2021 Qaran mise qabiil keebaa inoo quman kiibuu Qaatay R/waraare rooble!

Dad badan oo ka mida Haldoorka, culimada, dhalinyarada, aqoonyahanka iyo bulshada oo hore u soo dhaweeyay R/wasaare Rooble ayaa ka walaacsan mustaqblka dalka iyo qaabka wax u socdaan.

Waxaa muuqatay in R/wasaare Rooble iskaga milantay qaranimadii iyo qabiilkii, qofkii iyo qarankii,hay’adihii iyo xafiisyadii oo isu bedelay musuq qabyaaladeed oo dantii guud iyo tii gaarka ahayd aanay kal soocnayn.

Waxaa xargaha goostay oo noqday nidaam (system) Qabyaalada Rooble oo banaanka u soo baxday iskuna badalay Qof Aanba Qaran u shaqayn EE uu Noqday nin ka tala Qaata Odayaasha beeshiisa iyo 10 nin oo sheegta siyaasuyiin oo beeshiisa ah wax uu ilaaway in Farmaajo Raga la diriraya ay ku beel ka soojeedaan Waa Dani iyo Axmed madoobe waxaa rooble moqdisho ka wado waa sharcigu yuu shaqayn ee marti haloo noqdo yaad tahay, qaado isaba wuu qaataye oo xad dhaaf ah

Arinta iyaduna walaaca leh ee muujinaysa ayaan darrada waxay tahay marka lagga tago nidaamka leexday in goloayaashii dawladdu noqdeen sayladihii Qabyaalada.

R/wasaare Rooble ma matelo bulshada ee waxa uu matalaa qabiilkiisa iyo qoyska uu ka soo jeedo, xitaa haduu yahay qof wanaagsan oo daacada oo qaranka iyo bulshada u adeega ma leh Waxaa ka xoogbadan Qab yaalada ku jirta isga oo u muuqda nin ciil Qaba

:

Xaaladan cakiran oo dadka qofba si ugga jawaabo xal u helideeda, ayaa waxaa soo baxaayay dareeno intooda badani ay ku dhisayihiin caadifad iyo caro laakiin aan ahayn kuwo ka turjamaya caqliyad rational) innagu hagta xal waara in dhibaatadan jirta loo helo.

Taariikhda Bulshooyinka caalamka marka aad dib u raacno laba arimood uun baa miduun xal u noqda in ay badbaadiso jiritaankooda qaran iyo umaddeed:

1- in taladooda uu qabto qof ama koox isbedel doona oo ku midaysan fikrad (ideology) xukunka la wareegto oo ay mideeyaan bulshada una jeexaan dhabbo gaadhsiisa horumar iyo cadaalad tusaale ahaana aynu u soo qaadan karo China iyo Rwanda.

2- In dadkaasi uu la kulmo cadaawad dibada kaga timaada ama uu galo gumaysi taas oo midaysa bulshada ku dhaqan sidii ay isaga caabin lahaayeen oo u heli lahaayeen xoriyadoodii oo iyana keenta in ay aayahooda ka tashadaan oo midoobaan tusaale u soo qaadan karo dagaal kii labaad dabadii oo horseed ka noqday in Europe inteedii badnayd midaobaan.

Waxaa markaa haboon in bal dib loo xisaabtamo oo lays waydiiyo

✍

 Cabdala mataan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *