Home Wararka Maanta Qoys Lagu Xasuuqay Duleedka Dagmada Saaxo
Wararka Maanta - July 11, 2021

Qoys Lagu Xasuuqay Duleedka Dagmada Saaxo

July 11, 2021 8:59 am
Weerar Lagu dilay dad Shacab ah Ayaa ka dhacay duleedka deegaanka Saaxo oo dhacda galbeedka Galkacyo ee Gobolka Mudug.

Weerarkaasi xalay saqdhexe dableyda hubeysani ee aan haybtooda la aqoon ay ku qaaday Qoyskaas ayaa waxa ku dhintay 2 Caruur ah iyo Aabahood oo lagu magacaabo Xasan Diiriye Cilmi Waalid, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay wiil yar oo 8 deed jir ah.

Hooyada Caruurta dhashay ayaa la sheegay inaanay goobta joogin marka uu falkaasi dhacayay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *