Home Wararka Maanta Qardho oo laga daah-furay Mashruuca Qaybinta Siidhka ee Beerista Calafka
Wararka Maanta - October 17, 2022

Qardho oo laga daah-furay Mashruuca Qaybinta Siidhka ee Beerista Calafka

Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL Mudane Maxamed Cabdirisaaq Dayib ayaa daahfuray mashruuca qaybtinta siidhka calafka ee Degmada Qardho, Mashruucan Horumarineed ee Yaraynta daaq la,aanta xoolaha waxaa ka faa,idaysanaya 50 Beeraleey xoolo dhaqato ah ee Degmada Qardho.

Wasiirka waxaa ku weheliyey daahfurka Mashruuca Masuuliyiinta Gobolka oo uu ugu Horeeyo Gudoomiyaha Gobolka karkaar Mudane Cabdi Siciid Cismaan, Isuduwaha Wasaaradda ee Gobolka Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed iyo Maamulaha Wasaaradda ee Degmada Cabdicasiis Khaliif Yusuf waxa ay dhammaan ku booriyeen bulshada Degmada ee maanta loo daahfuray Qaybinta Siidhka Calafka in ay mashruucan uga faa’idaystaan sidii loogu talagalay.

Sidoo kale Wasiir kuxigeenka wasaaradda Mudane Maxamed Cabdirisaaq Dayib waxa uu booqday Xarunta Degmada uu kula kulmay Golaha Deegaanka Degmada Qardho oo ah masuuliyiin lagu soo doortay doorasho qof iyo cod ah oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Degmada Cabdiqaadir Siciid Qaal, Gudoomiye ku xigeenka iyo xubnaha Xildhibaanada ee Golaha Deegaanka.

Ugu danbayn Wasiirka waxaa uu tagay xarunta Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Gobolka Karkaar ay ku soo dhaweeyeen Isuduwaha Wasaaradda ee Gobolka iyo Maamulaha Wasaaradda ee Degmada.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *