Home Wararka Maanta Qaraxyo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay duleedka Kismaayo
Wararka Maanta - August 9, 2022

Qaraxyo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay duleedka Kismaayo

August 9, 2022 kala duwan oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ah ayaa maanta ka dhacay Galbeedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ilaa 9 qarax oo ahaa kuwa miinada dhulka lagu Aaso ayaa ka dhacay inta u dhaxeeysa degaannada Buula Xaaji iyo Kismaayo gaar ahaan Nawaaxiga degaanka Cabdalla Biroole.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxyada badi ay qabsadeen Gaadiid ku safrayay wadadaas, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday dad Shacab ah oo u badan xoolo dhaqato.

Degaannada ay qaraxyada ka dhaceen ayaa waxaa dhowr jeer qaraxyo iyo weeraro toos ah ay Al-Shabaab kula beegsadeen Ciidamo katirsan Daraawiishta Jubbaland xilli ay ku wajahnaayeen degaanka Cabdalla Biroole.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *