Home Wararka Maanta Qarax ka dhacay saldhiga booliska Beledweyne
Wararka Maanta - October 16, 2021

Qarax ka dhacay saldhiga booliska Beledweyne

October 16, 2021 Qarax xooggan ayaa goordhoweyd ka dhacay magaalada beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday saldhigga booliiska magaalada.

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay saddex kalana waa ay ku dhaawacmeen qaraxaasi oo ay sababtay miino ku qaraxday gudaha saldhigga booliiska Baledweyne.

Sida ay somalifox.com u sheegeen mas’uuliyiin goobta gaartay oo codsaday inaan magacooda la sheegin, waxaa dadka ku dhintay qaraxa ka mid ah Duqqii degmada Feerfeer ee Soomaaliya Khaliif Garaad Rooble iyo gabar ciidanka booliska ka mid ahayd.

Waxaa sidoo kale la sheegayaa in ay qaraxaas ku dhaawacmeen dad uu ka mid yahay taliyaha saldhiga booliska Baledweyne, Maxamed Qoorsheel.

somalifox.com waxa ay xiriir dhanka telfoonka ah isku dayday in ay la samayso mas’uuliyiinta hay’adaha Amniga si faahfaahin dheeraad ah aan uga helno qaraxan, hase yeeshee nooma suurta galin in aan ku helno khadka telefoonka.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay qaraxa inkastoo weerarradan noocan ah ay inta badan gaystaan maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *