Home Wararka Maanta Ciidamada Puntland Gacanta kusoo Dhigtay Maleeshiyaad Dil & Dhac ka Geystay Gobolka Sanaag.
Wararka Maanta - April 27, 2020

Ciidamada Puntland Gacanta kusoo Dhigtay Maleeshiyaad Dil & Dhac ka Geystay Gobolka Sanaag.

Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Ammaanka Dowlad Puntland ayaa waxaa la sheegay inay gacanta kusoo dhigeen maleeshiyaad hubeysnaa oo shalay gelinkii dambe dil iyo dhac ka geystay deegaan ka tirsan Gobolka Sanaag.

Maleeshiyaadkaan ayaa rasaas huwiyey Gaari uu watay Nin lagu Magacaabi jiray Cabdiwahaab Cawil ,kaas oo ku dhintey rasaastii ay ku fureen xilli uu marayay inta u dhaxeysa deegaannada Cawsane iyo Midigale ee Gobolka Sanaag,iyaga oo qaatay gaarigii uu watay.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland Aaga Sanaag ayaa waxaa ay sheegeen in maleeshiyaadka falkaasi geystay oo lagu raadjoogay laga soo qabtay deegaanka Magaalo madaxda Gobolka Hayland Buraan

Ragga hubeysnaa ee la soo qabtay ayaa tiro ahaan waxaa ay gaarayaan ilaa laba Ruux gaarigii Ninkii ay dileen iyo labo qoryaha fudud ah,iyaga oo Xabsiga la dhigay.

Saraakiisha ayaa sidoo kale waxaa ay sheegeen in Saddex kale oo ka mid ahaa ragga weerarka geystay ay ku raadjoogaan si cadaaladda loo marsiiyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *