Home Wararka Maanta Puntland iyo Jubaland oo shaaciyay in Villa Somalia fashilisay qabsoomidda Shirkii Arrimaha Doorashooyinka
Wararka Maanta - March 31, 2021

Puntland iyo Jubaland oo shaaciyay in Villa Somalia fashilisay qabsoomidda Shirkii Arrimaha Doorashooyinka

March 31, 2021 3:42 pm dadaalladii ku jihaysanaa qabsoomidda Shirka Arrimaha Doorashooyinka ayaa fashilmay, sida ay Galabta shaaciyeen Puntland iyo Jubaland.

War-saxaafadeed wadajir ah oo ka soo baxay Puntland iyo Jubaland, ayay ku sheegeen in Madaxda mudda-xileedkoodu dhammaaday ee dowladda Federaalka Soomaaliya, ay si cad u xagal-daaciyeen qabsoomidda Shirka, islamarkaana ay fashiliyeen dhammaan dadaalladii socday, si looga heshiiyo Khilaafka Doorashooyinka.

Puntland iyo Jubaland, waxay sidoo kale tilmaameen in shirar mudda saddex maalmood ah u socday Dowlad Goboleedyada iyo Beesha Caalamka, aysan suurta-gelin in wax natiijo ah laga gaaro, si loo qabto Shirka guud ee Arrimaha Doorashooyinka.

Sidoo kale, waxay caddeeyeen in ay diyaar u yihiin ka qayb-galka Shirka, haddii loo marayo tub la isla-ogolyahay, oo ku salaysan Heshiiskii Arrimaha Doorashada ee 17-kii September 2020.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *