Home Wararka Maanta Norway Oo Shaacisay Inay Xakamaysay Faafida Corona-virus Ee Dalkeeda.
Wararka Maanta - April 6, 2020

Norway Oo Shaacisay Inay Xakamaysay Faafida Corona-virus Ee Dalkeeda.

Caabuqan Covid-19 waa la xakameeyay” ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadka ee Norway isaga oo markaasi farta ku fiiqay in heerka uu caabuqan ku faafayo uu hada yahay mid aad u hooseeya.

“Qofka hada qaada coronavirus suurta galnimada uu ku faafin karo ama uu dad kale ku sii qaadsiin karaa aad ayay u hosaysaa waxana aan ku qiyaasnay suurta-gal nimadaas hoosaysa 0.7” ayuu yidhi Wasiir Bent Hoeie oo shir jaaaid qabay.

Wasiirka ayaa waxa uu intan daba digay in yoolka dawladu uu yahay in ay yarayso faafitaanka caabuqan kuna soo koobto in ugu badnaan uu gaarsiiyo qofkaas bukaa caabuqan qof kale oo kaliya.

Wasiirka ayaa waxa kale oo uu yidhi “Dawladu waxa ay Arbacada go’aansan doontaa in ay qaado ama sii kordhiso xayiraadahii ay ku soo rogtay dugsiyada iyo goobaha kale ee dadku ku kulmaan waxa ka dambeeya bartamaha bisan April

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *