Home Wararka Maanta Nin la sheegay inuu carruurta dhiiga ka dhuuqo oo ka baxsaday xabsi ku yaalla Nairobi
Wararka Maanta - October 13, 2021

Nin la sheegay inuu carruurta dhiiga ka dhuuqo oo ka baxsaday xabsi ku yaalla Nairobi

October 13, 2021  la sheegay in uu dilay carruur badan ayaa ka baxsaday xabsi ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Booliska Kenya ayaa Masten Millimo Wanjala u taxaabay xabsiga bishii July ee sanadkan kadib markii uu qirtay inuu falal iskugu jira kufsi iyo dil uu kula kacay ugu yaraan 10 carruur ah.

Lama ogo sababta ka dambeysa baxsashada ninka oo ku xirnaa xabsi ku yaalla saldhigga booliska Joogo Road ee Nairobi, sida ay baahisay qaar kamid ah warbaahinta Kenya.

Waaxda dambi baarista Kenya ayaa bishii July baahiyay sawirka ninka oo ay sheegeen, “Dad-cunkan wuxuu waday dil joogto ah oo uu ku bartilmameedsanayay carruurta ay da’dooda u dhexeyso 12 iyo13 sano. Wuxuu masuul ka ahaa afduubyada magaalada ruxay dhowaanahan”.

Waxay booliska sheegeen in uu khiyaani jiray carruurta inta uu la ciyaarayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *