Home Wararka Maanta Nin kasoo jeeda Barakacayaasha Qardho oo noqday Xildhibaan
Wararka Maanta - October 26, 2021

Nin kasoo jeeda Barakacayaasha Qardho oo noqday Xildhibaan

October 26, 2021  Muxsin Cabdulaahi Xaaji Cabdi oo kamid ah barakacayaasha soomaaliyeed ee ku nool Puntland ayaa kamid noqday golaha degaanka cusub ee degmada Qardho isagoo kasoo baxay urur siyaasadeedka Xukuumadda ee KAAH.

Muxsin ayaa kasoo jeeda Beesha Jareer weyn, waxaana uu muddo kunoolaa xeryaha barkacayaasha Qardho, waxaana uu noqday musharaxa 11 ee u soo baxay Ururka KAAH.

Talaabadan ayaa muujinaysa isbedel ku dhacay hanaanka siyaasadeed ee Puntland, waxaana ay aheyd markii ugu horeysay ee qaar kamid ah Shacabka Puntland ay soo doortaan wakiilladooda.

somalifox.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *