Home Wararka Maanta Midowga Yurub oo ka digay dibu dhac yimaada doorashada Somalia
Wararka Maanta - May 26, 2020

Midowga Yurub oo ka digay dibu dhac yimaada doorashada Somalia

Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Amb Nicolas Berlanga ayaa walaac xoogan waxaa uu ka muujiyay natiijada la dhalan karta hadii dib u dhac uu ku yimaado doorashada Soomaaliya.

Farriin qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxa uu ku sheegay in ay ka walaacsan yihiin natiijada aan fiicanayn ee ka dhalan karta dibu dhaca doorasho xiligeeda ku dhacda.

“Midowga yurub ee soomaaliya waxay muujinayaan walaac markasta oo suurta gal ah in dib looga fiirsado taariikhda cusub ee taariikhda cusub ee loo qabtay Guddiga Doorashooyinka inuu Baarlamaanka hor yimaado.

Hadalka Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Amb Nicolas Berlanga ayaa kusoo aadaya xilli siyaasiyiin badan ay walaac ka muujiyeen muddo kororsi ay samaystaan madaxda dowladda xilli guddiga doorashadooyinka 27-ka bisha june laga sugayo inay Baarlamaanka horgeeyaan nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa waqtiga loogu talo galay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *