Home Wararka Maanta Mid ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee Mareykanka oo meydkiisa la helay laba maalmood kadib
Wararka Maanta - December 25, 2021

Mid ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee Mareykanka oo meydkiisa la helay laba maalmood kadib

December 25, 2021 .

Allah Ha unaxariistee waxaa si arxan daro ah loo dilay, kadibna lagu tuuray goob  gawaarida agabkooda gawaarida halaawday la iskaga tuuro Sheekh Maxamed Xasan Aadan oo ka mid ahaa Culimada Soomaaliyeed oo ku noolaa dalka Mareykanka gaar ahaan Magaalada Colombus ee Gobolka Oohaayo, Inkastoo la sheegin sababta loo dilay iyo cida ka dambeysa.

Laamaha Ammaanka ee Magaalada Colombus ayaa sheegay in marxuumka si arxan daro ah loo dilay islamarkaana ay wadaan baaritaano la xiriira dilka, wallow weli aysan sheegin cid loo soo qabtay iyo halka uu baaritaanka u marayo.

Waa kan Sheekh Horseed Ceyni Nuux, waxaa uu ka mid yahay Culimada Ku nool magaalada Colombus ee G/oohaayo, waxaana uu hoggaan u yahay Urur ay ku mideysan yahihiin Culimada Masaajida Gobolkaasi, waxaa uu sheegay in lama maalmood la weysanaa nolosha marxuum Sheekh Maxamed Xasan Aadan, isagoo xusay in ugu dambeyn laga helay meel liskugu geeyo gawaarida agabkooda la iska tuuray lagu shubo.

Tani ayaa walaac iyo cabsi waxaa ay ku abuurtay dadka soomaaliyeed, kuwaa oo ka argagaxay arrintaan, sidoo kale, waxaa hore dilal qorsheysan iyo kuwa kaleba Magaalada Colombus loogu geystay Soomaali badan, kuwaa oo aan weli cadaalad helin, islamarkaana aan loo soo qaban eedeysanayaashii falkaasi ka dambeeyay.

heekh Horseed Cayni Nuux oo ah Afhayeenka Dallada Masaajidda Soomaalida ee Ohio oo ku sugan goobta maydka Imaamka laga helay.ayaa sheegay in ay dadka soomaalida ay la soo daristay cabsi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *