Home Wararka Maanta Maxaa ka jira in xilkii laga qaaday guddoomiyaha guddiga dooarashooyinka Soomaaliya?
Wararka Maanta - December 25, 2021

Maxaa ka jira in xilkii laga qaaday guddoomiyaha guddiga dooarashooyinka Soomaaliya?

  1. December 25, 2021warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya guddiga doorashooyinka heer federaal ee Soomaaliya oo ku aaddan in guddoomiyaha guddigaas, Maxamed Xasan Cirro xilkii laga qaaday.Xubno ka mid ah guddigaas oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in guddoomiye cirro ay xilkii ka qaadeen ka dib markii guddigu ay eedaymo ka soo gudbiyeen guddoomiyaha.Eedaymaha laga soo gudbiyey guddoomiyaha ayaa la sheegay in ay ka mid yihiin wada tashi la’aan, iyo in uu lumiyey madax bannaanidii guddiga.Dhanka kale war qoraal ah oo lagu daabacay bogga Facebook-gga ee guddigaas ayaa lagu sheegay in aysan jirin xil ka qaadis lagu sameeyey guddoomiyaha iyo ku xigeenka guddigaas.“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal wuxuu cadaynayaa in aysan jirin xil ka qaadis lagu sameeyey gudoomiyaha guddiga iyo ku xigeenkiisa, ayna hawlahooda shaqo si rasmiya u wataan.” ayaa lagu sheegay warka lagu daabacay bogga Facebook-gga ee guddiga.Waxaa kaloo lagu sheegay in “guddiga doorashada lagu hayo fara gelin ka imanaysa dhinacyo siyaasadeed, taasoo dhibaato ku ah shaqada guddiga, doorashada iyo hufnaanteeda”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *