Home Wararka Maanta Maxaa ka jira in Doorashada 16kii kursi ee Garbahaareey oo Ceelwaaq loo Wareejiyay
Wararka Maanta - March 16, 2022

Maxaa ka jira in Doorashada 16kii kursi ee Garbahaareey oo Ceelwaaq loo Wareejiyay

March 16, 2022 wararka la soo baxday caasimisa ku meel warka ah jubbaland ayaa sheegaya in halas ay haqaban Qaabada wafting kasocda Jubbaland ayaa isku diyaarinaya tagida magaalada Ceelwaaq ee gobalka Gedo, halkaas oo ay Jubbaland doonayso in ay ku qabato doorashada 16 Kursi oo deegaan doorashadoodu ahayd magaalada Garbahaaray.

Xubnaha tagaya Ceelwaaq oo katirsan golaha wasiirada kana soo jeeda deegaankaas ayaa utagaya sidii ay u diyaarin lahaayeen goobta doorashada, sugida amniga oo ay iska kaashanayaan ciidamada Kenya & Jubbaland iyo xulida Ergada codeynaysa.

Ilo wargal ah ayaa xaqiijinaya in Jubbaland diyaarisay liiska 16 xubnood oo noqonaya mudanayaal baarlamaan iyo 16 Malxiis siyaasadeed oo diyaarado looga geyn doono Ceelwaaq-Soomaaliya.

Saaxiibada Axmed Madoobe ee kasoo jeeda Gedo ayaa qaarkood walaac kamuujinaya tagida Ceelwaaq, iyagoo cabsi ka qaba in ay Kuraas aysan kaheli karin, maadaama aan cidna tagi karin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *