Home Wararka Maanta Mareykanka Oo Muwaadiniintiisa Uga Digay Kenya
Wararka Maanta - April 8, 2021

Mareykanka Oo Muwaadiniintiisa Uga Digay Kenya

April 8, 2021 11:50 am Maraykanka waxay soo saartay La-talin Safar oo ka dhanka ah Kenya oo uu ku sii kordhayo xanuunka safmareenka ah ee COVID 19.

War ka soo baxay Xarumaha Maraykanka ee Kontoroolka iyo Ka-hortaga Cuddurada waxay soo saartay Digniinta Heerka 4-aad ee Socdaalka Cafimaadka ee Kenya sababo la xiriira COVID 19.

Tirada Bukaanada Kenya ee laga helay Coronavirus waxay gaarayaan 141,365 qof tan iyo markii Kiiskii ugu horeeyey la xaqiijiyey bishii March ee sanadkii hore ee 2020-ka.

Talo-siinta dhanka Safarka ee Xarumaha Maraykanka ee Kontoroolka iyo Ka-hortaga Cuddurada (CDC) waxa uu kala leeyahay Heerar ka bilaabanayo 1 ilaa 4 oo ah Heerka ugu sareeya ee Digniinta dhanka Socdaalka.

Qoraalka waxaa kaloo lagu xusay in Duullimaadyada Caalamiga ay sidooda uga shaqeynayaan Kenya, inkastoo la xadiday.

Digniinta Maraykanka ee dhanka Socdaalka ee dalka Kenya waxay ku soo beegantay, wax ka yar hal isbuuc kadib, markii ay Boqortooyada Midowday ee UKoo horey u gumeysan jirtay Keny ay go’aan noocasi oo kale qaadatay, iyadoo la mamnuucay Dhoofayaasha ka soo ambabaxa Kenya ee ku sii jeeda dalka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *