Home Wararka Maanta Mareykanka Oo Afar ka Mid ah Madaxda Al-Shabaab Dul-dhigay $19 Milyan.
Wararka Maanta - November 6, 2021

Mareykanka Oo Afar ka Mid ah Madaxda Al-Shabaab Dul-dhigay $19 Milyan.

November 6, 2021 wasarada arrimaha dibedda Mareykanka ayaa mar kale dib usoo saartay abaal-marin 19 milyan oo dollar ah oo ay ku yaboohday akhbaaraad la xiriira halka ay ku sugan yihiin afar ka mid ah madaxda Al-Shabaab.

Qoraal afartii bishan lasoo dhigay twitter-ka Rewards for Justice (Abaal-gudka cadaaladda) oo ah barnaamij ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda ayaa lagu sheegay in afarta hoggaamiye ay kala yihiin; Abu Cubeydah, Mahad Karate, Fu’aad Maxamed Khalad iyo Jacfar.

Abu Cubeydad oo magaciisa saxda uu yahay Axmed Diiriye ayaa hoggaaminayey Al-Shabaab tan iyo markii duqeyn diyaaradeed lagu dilay hoggaamiyihii uu xilka kala wareegay ee Axmed Cabdi Aw-Maxamed oo la yaqiin Axmed Godane, bishii September 2014. Mareykanka ayaa madaxa Abu Cubeydah dul dhigay 6 milyan oo dollar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *